10:27 am - Sunday June 25, 2017

Neymar JR Oo Ka Oohiyey Taageere Ka Soo Hor-jeeday, Garankiisiina Guddoonsiiyey

Samatar Mohamed

neymar

Xiddiga reer Brazil Neymar JR ayaa ka oohiyay taageere ka soo hor-jeeda kulankii ay kooxdiisa Barcelona 5-0 kaga adkaatay naadiga Sporting Gijon, kadib markii uu guddoonsiiyey garankiisa.

Markii uu kulankaasi idlaaday Neymar JR ayaa u tegay dhanka taageerayaasha Sporting Gijon, isaga oo garankiisa guddoonsiiyay taageere si weyn ugu ja-jabnaa.

Taageerahii helay garanka Neymar ayaa aad ula cajabay xiddiga reer Brazil isaga oo xabadka galiyay Neymar.

Taageeraha aan keligii cunaha ahayn ayaa intaas kadib garankiisa uu ka helay Neymar siiyay mid kale oo dhinac joogay, kaas oo markii uu helay garanka ooyin jabsaday.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Francesco Totti Oo Dhaliyey Goolkiisii 250-aad Ee Serie A-da Xilli Da’diistu Tahay 40 Jir

Fifa oo kala dirtay guddiga la dagaallanka cunsuriyadda

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: