Neymar Muxuu Ka Yidhi Guushii PSG Iyo Khilaafkii Tababare Luis Enrique

Weeraryahanka reer Brazil ee afka hore uga ciyaara Barcelona ee Neymar ayaa ka hadlay qaabkii uu u dhaqmay kulankii Sevilla ee Sabtidii, markaas oo uu faraha taagtaagay, isla markaana uu cadho muujiyey markii uu tababare Luis Enrique beddelay qaybtii dambe ee ciyaartaas oo ku dhamaatay barbar dhac 2-2.

Neymar ayaa sheegay in dareenkii cadhada lahaa ee uu muujiyey kulankaasi uu ka turjumayo sida uu u doonayo in uu mar walba ciyaaro oo uu garoonka ku jiro, laakiin aanay ahayn ujeeddo kale.

Neymar waxa kale oo uu ka hadlay guushii muhiimka ahayd ee ay xalay ka gaadheen PSG, taas oo ay ku garaaceen 3-1.

“Aad ayay u fiican tahay markaad 3-1 ku badiso, laakiin wali ciyaar ayaa hadhsan, waana in aanu si fiican u ciyaarno mar kale.” Sidaas ayuu yidhi weeraryahankan reer Brazil.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Porto Si Niyad Ah Ayay Ula Ciyaartay Munich – Casemiro

Suarez: “Laba Jeer Ayaan Kubadda Ka Saaray Luiz”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com