Neymar Oo Ilaalo Gaar Ah Loo Sameeyey Kulankii Marseille

Intii uu Neymar ku biiray PSG xagaagii, kulankii Axaddii ay ugu tagtay Marseille ayaa ahaa kii ugu adkaa ee uu kala qayb-galay koxodaas, taas oo uu u baahday  in isaga oo garoonka ku jira loo sameeyo ilaalo ka waardiyeysa taageereyaasha oo soo weerarayey marka uu laagayo kubbadaha koorneyaasha ah.

Waa wax la filan karo in marka ciyaartoy dunida magac weyn ku leh uu soo galo garoonka, in sawaxan badan oo soo dhoweyn ay u sameeyaan taageereyaal kooxdiisa kasoo horjoodda, hase yeeshee, wax taas ka duwan ayaa uu Neymar kula kulmay Marseille.

Ka hor intii aan kaadh cas garoonka lagaga saarin daqiiqaddii 87aad ee aanay isku dhicin Florian Thauvin, waxa uu Neymar marar badan ku dhibaatooday garoonka dhexdiisa. Mar kasta oo uu kubbad koorne ah laagago, waxa sida roobka ugu soo daadanayay waxyaabo lagu soo tuurayey oo ka imanayey dusha sare, taas oo khasab ka dhigtay in booliska iyo shaqaalaha garoonku ay isku dayaan inay ammaankiisa sugaan.

Arrintan waxay hore ugu dhacday Luis Figo oo markii uu ku biiray Real Madrid ay taageereyaasha Barcelona ku dhibaateeyeen garoonka Camp Nou.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Galatasaray vs Fenerbahce: Garsoore Madaafiic Lagu Weeraray Oo Ciyaartooyo Isku Duubeen

Ronaldo Oo Ku Guuleystay Abaal Marinta Fifa Ee Xidiga Aduunka

Related posts
Trackbacks/Pingbacks
  1. Muuqaaladii Xafladda Xiddiga Aduunyada Ee London - Cadalool - 24/10/2017

    […] Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal wuxuu kaga adkaaday oo ka qaaday biladan, weeraryahanka Barcelona ee Lionel Messi iyo laacibka Paris St-Germain – Neymar. […]

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com