Neymar Oo Ka Hadlay Guusha Kooxdiisa, Bandhig ciyaareedkooda iyo guul-darrada PSG

Weeraryahanka Neymar oo kooxdiisa u horseeday in ay 2-0 ku garaacdo Barcelona ciyaar ka dhacday garoonka Camp Nou oo ahayd is aragga labaad ee wareegga Quarter Final ee Champions League ayaa isla markii ay ciyaartu dhamaatayba warbaahinta hor tegay si uu taageereyaasha kooxdaas ugu soo bandhigo dareenkiisa, macnaha guusha ay kooxdu gaadhay iyo sidii ay ula ciyaareen PSG.

Neymar waxa uu sheegay in ay mar kale ula ciyaareen PSG sidii markii ay ku booqdeen magaalada Paris, waxaanu yidhi: “Mar kale ayaanu samaynay sidii aanu yeelnay Paris, si fiican ayaanu u ciyaarnay goolalna waanu dhalinay. Tallaabo ayaanu hore u qaadnay waxaanay ahayd ciyaar fiican.”

Neymar oo la weydiiyey tirada goolasha ay kaga badiyeen PSG oo celcelis ahaan ah 5-1 ayaa waxa uu ku jawaabay: “Aniga qiimo badan iguma laha goolashu, kaliya kooxdayda ayaan ku caawiyey. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta dhaliyey laba gool.”

Neymar oo mar kale la weydiiyey in ciyaartani tahay kulankii ugu wanaagsanaa ee ay kooxdiisu ciyaarto iyo inkale ayaa waxa uu yidhi: “Haa sidaas ayay ila tahay. Wakhti fiican ayaanu ku jirnaa, meel fiican ayaanu maraynaa Champions League iyo La Liga, waana in aanu sidan oo kale u shaqayno.”

Neymar waxa kale oo uu ka hadlay kulankii ay kooxdiisu Sevilla la ciyaartay taas oo markii beddelka lagu saaray uu muujiyey dareen cadho leh, waxaase uu weriyeyaasha u sheegay in wakhtigaas laga yimid oo hadda lagu jiro wakhti farxadeed.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Barcelona Oo Cashar U Dhigtay PSG, Una Gudubtay Semi-finalka Champions League

Real Madrid V Atletico: Benzema, Modric, Bale, Marcello Iyo Ciyaartooyada Kale Ee Ka Maqan Real

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com