3:16 pm - Sunday January 20, 7405

Neymar Oo Ku Sigtay In Uu Feedh ku Dawakhiyo taageere Manchester City Ah

703 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Neymar Oo Ku Sigtay In Uu Feedh ku Dawakhiyo taageere Manchester City Ah

Neymar vs Man City fansWeeraryahanka Barcelona, Neymar ayaa sameeyey rabshad markii beddel lagu sameeyey ciyaartii xalay ee ay kooxdiisau 2-1 ku garaacday Manchester City, garoonka Etihad Stadium.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa la beddelay daqiiqaddii 80aad kadib markii uu muuqan waayey intii ay ciyaartu socotay oo dhan, waxaana markii uu sii baxayay ay hadallo is weydaarsadeen qaar ka mid ah taageereyaasha Manchester City oo fadhiyey safka hore ee meel u dhow halka ay fadhiyeen ciyaartooyada Barcelona.

Kamaradaha ku xidhan garoonka ayaa duubay Neymar oo la tirsanaya taageereyaashan intii uu ku sii socday halkii ay ciyaartooyadiisu fadhiyeen. Isla markii ay dhamaatay ciyaartu ayaa waxa uu Neymar toos ugu tegay mid ka mid ah taageereyaashaas oo ahaa wiil da’yar kaas oo ay cabbaar wada tirsadeen iyadoo uu taageerahaas oo xidhnaa funaanadda Manchester City oo dhabarka uu kaga qoran yahay magaca Yaya Toure uu ku eedeeyey Neymar in uu istuur-tuuro, isla markaana u sheegay in uu joojiyo arrintaas.

Neymar and the fan

Wiilkan oo ku hadlayay luuqadda Boortaqiiska oo uu Neymar ku hadlo, ayaa waxa intaa kadib uu Neymar ku dhowaaday in uu gacan u qaado, laakiin arrinta ayaa halkaa ku dhamaatay iyadoo ay ciyaartooyada Barcelona dib u soo jiideen Neymar.

Barcelona ayaa ciyaartaas xalay ku badisay 1-2, iyadoo uu labada goolna u saxeexay Luis Suarez oo laf-dhuun gashay ku noqday difaaca City, halka goolka madiga ahna uu Manchester City u dhaliyey Sergio Aguero.

Intii ay ciyaartu socotay waxa kaadhka cas qaatay Gael Clicy, iyadoo Lionel Messi uu khasaariyey rikoodhe loo dhigay daqiiqaddii 90aad kaas oo uu goolhaye Hart sida shabeelka iskula tuuray.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

‘Fursaddii Ugu Fiicnayd Ee Xulka England Soo Marta Abid Ayay Noqon Doontaa’

Xiddigii Reer Brazil Ee Ronaldo Oo Shaaciyey In Uu Ciyaaraha Ku Soo Noqday Iyo Kooxda Uu U Ciyaari Doono

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com