7:31 pm - Friday August 18, 2017

Neymar Oo La Baxsaday Barcelona Iyo Wacdarihii Atletico ee Caawa

Aidarous

Kooxda Barcelona ayaa lagu qasbay inay iska soo bedo oo damiso sawaxan kii ay garoonka Camp Nou ka wadeen taageerayaasha kooxda Atletico madrid , kadib markii gool laga horeeyey Naadiga Martida loo ahaa ay soo celisay, natiijada Is aragii koowaad ee ciyaaraha Rubuc dhamaadka horyaalka Champions League ku soo celisay 1-1.

Ciyaaryahanka reer Brazil ee Neymar ayaa ka badbaadiyey kooxda Barcelona guuldaro ay kala kulmi lahayd, kulankii caawa ee Champions League ay la ciyaartay naadiga Atletico Madrid.

Diego , ayaa daqiiqadii 56 aad ee ciyaarta shabaqa dhigay gool aad u qurux badan kaas oo gil-gilay garoonka Nou Camp ee ciyaartu ka dhacaysay.

Atletico Madrid oo hor istaagtay BarcelonaNasiib-daro – Labada kooxoodba waxa dhaawac lagaga saaray garoonka laba ciyaaryahan oo hal-bawle uu midkastaa u ahaa naadigiisa , waxaana isku dhacay oo labadoodaba garoonka laga qaaday, Barcelona oo weyday difaaca kaliya ee ay isku hallayso , Gerard Pique ,  iyo kooxda Atletico oo laga saaray dhaawacaas dartii xidiga afka hore ee ay ku tamariso, Diego Costa.

Kulanka dambe ee labadan kooxood ayaa ka dhici doona garoonka Atletico Madrid todobaadka dambe , iyadoo ay kooxda martida loo noqon doonaa wadato natiijo dhinac walba faa’iido uga ah.

Cadalool.com / Office – Hargeisa

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Manchester United Oo Qabatay Bayern Munich Oo Ciyaaryahan Hawl Bawle Ahi Casaan Ka Qaatay

Pep: United ‘waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican caalamka’

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: