Neymar: “Waan Ciyaarayaa Sabtida”

Weeraryahanka reer Brazil ee Neymar oo muddo kaga maqnaa  kooxdiisa ciyaaraha xulka qarankiisa oo uu kala qayb-galay tartankii Olambiga oo uu kula guuleystay markii ugu horreysay ee Brazil ay qaaddo iyo kulamadii ka dambeeyey isreeb-reebka koobka Adduunka, ayaa shaaciyey inuu diyaar u yahay inuu dib ugu soo laabto kooxdiisa oo uu u ciyaaro kulanka Sabtida.

Neymar oo aan cadho-dhigin garoonka Camp Nou muddo 106 maalmood ah, ayaa shheegay in si kasta oo ay ahaataba uu diyaar u yahay, ciyaarina doono Sabtida oo Barcelona ay garoonkeeda Camp Nou ku martigelin doonto naadiga yar ee ka soo baxay heerka labaad ee Alaves.

“Waan ku faraxsanahay inaan ku soo laabto Barcelona, waanan ciyaari doonaa Sabtida” sidaas ayuu yidhi laacibkan 24 jirka ah.

Suurtogalnimada in uu maqnaado Lionel Messi, waxa uu Neymar u noqon doonaa Luis Enrique awood cusub oo buuxin karta booska xiddiga kooxda ee dhaawaca sahlan u maqnaan karaya.