Neymar: Waxaan bartay wax badan intaan halkan joogay

Weeraryahan kooxda Bercelona iyo xulka Brasil ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa kooxda reer Spain uu helay aqoon kubadeed oo badan, Neymar waxaa uu ka soo wareegay sanadkii hore dhinacaas iyo Latin America.
Waxaa uu yidhi Neymar, xili ciyaareedkan waxaa uu ahaa xili xili ciyaaredkii barashada.
Sidoo kalena 22 jirkani waxaa uu sheegay inuu ka yimi kubad kale yimina meel ka kubad duwan., qof walbana ay ku adagtahay in uu si dhakhso ah kula qabsado.
Neymar waxaa uu ka dhawaajiyey in kubada cagta kolba waji ay yeelanayso marna ay kaa qoslinayso marna ay ku aamusiinayso.
Waxaa uu hadakiisa ku gabo gabeeyey xidig reer brasil, waxaan rajaynyaa in aan ka wanaagsanaado xili ciyaareedka danbe.