10:07 am - Wednesday June 28, 2017

Neymar:”Messi ayaa ka wanaagsan Ronaldo”

Khadar Dirir

Xiddiga Barcelona iyo xulka Brazil “Neymar de Silva” ayaa sheegay in aanu soo bandhigin xili ciyaareedkan wixii looga baahnaa, isagoo balan qaaday in xili-ciyaareedka dambe uu wacdaro dhigi doono, isagoo digniin u diray dadka ka shakisan awoodiisa.

Laacibkan oo la hadlay wargeyska El Mundo Deportivo, ayaa tilmaamay in sidii laga filayay aanu  soo bandhigin xiligan, laakiin uu bartay waxyaabo badan, isagoo yidhi hadii aan la qabsado jawiga waxaan soo bandhigi doonaa 100% awoodeyda.

Waxaa la weydiiyay xiliga uu garoomada ku soo laabanayo? wuxuuna ku jawaabay waxa laga yaabaa inaan ciyaaro kulanka ugu dambeeyay horyaalka.
Neymar waxaa kale uu ka hadlay Messi iyo Ronaldo, isagoo yiri hadaan  iraahdo Lionel Messi ayaa ka wanaagsan Ronaldo been ma sheegin, maalin kasto ayaan tababar la qaataa, waa laacib weyn oo heysta awood sare.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Filed in

Ramos Oo goolashiisii u hebeeyey laba shaqsi 

Barcelona Oo Albaabka u furtay kooxaha danaynaya 

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: