10:08 am - Wednesday June 28, 2017

Nigeria iyo Iran Oo Dhibcaha Qaybsaday Kulankii ugu Horeeyey ee Barbaro Ku Dhamaada K-Aduunka

Aidarous

Kulankii Nigeria iyo Iran ayaa noqday kii ugu horeeyey ee barbaro ku dhamaada intii uu socday ciyaaraha koobka aduunka ee sanadkani , kadib markii ay isla dhaafi waayeen 0-0 kulankii xallay ka dhacay garoonka Arena da Baixada ee magaalada Curitiba.
Xulka qaranka Nigeria ayay ku adkaatay inay natiijo ka gaadhaan weeraradii ay qaadayeen qaybtii labaad ee ciyaarta , wallow qaybtii hore laga gacan sareeyey iyaga oo dhan.

Iran iyo Nigeria ooLabadan xul qaran ayaa min hal dhibic la caraabay Group ka F oo ay ku weheliyaan Argentina iyo Bosnia oo ciyaartani ahayd tii labaad ee Group kaasi ciyaaro , waxaana 3 dhibcood ku hogaaminaysa Argentina oo Sabtidana wajahi doonta Xulka Iran , oo dhibic kaliya sita.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Samuel Eto’o Oo Mugdi La Geliyey In Uu Ciyaari Doono Kulanka Croatia

Ghana 1-2 USA

USA Oo Goolkii Ugu Degdega Badnaa Taariikhda K-Aduunka Kaga Adkaatay Ghana

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: