Nigeria Oo Noqotay Xulkii Ugu Horeeyey Afrika Ee U Baxa Koobka Aduunka 2018

Laacibka naadiga Arsenal ee Alex Iwobi ayaa dhaliyey goolka xulka Nigeria ay ku garaaceen qaranka Zambia si ay u noqdaan qarankii ugu horeeyey ee ka socda qaarada Afrika ee boos ka diyaarsada tartanka koobka aduunka sanadka dambe ee Ruushku marti galin doono.

Guushan ay gaadheen Nigeria, ayaa sababtay inay ku gaadhaan 13 dhibcood oo ay ku hogaamiyaan Group ka B – isla markaana aanay jirin xul soo gaadhi ciyaarta hadhaaga ah ee xul kasta u hadhay.

Fursado badan ayaya labada xulba iska khasaariyeen ka hor intii aanu Shehu Abdullahi kubad uu difaaca dhabarka uga soo jebiyey, aanu si qurux badan u dhamaystirin Iwobi daqiiqadii 73 aad ee ciyaarta.

Odion Ighalo, John Mikel Obi, Victor Moses iyo Moses Simon ayaa dhamaantood fursado goolal loo fishay ka khasaariyey xulka lagu naanayso Gor-gorada cajiibka ah.

Goolwadaha xulka Zambia ee Kennedy Mwenne ayaa biiti ku bed-baadiyey kubad khatar ahayd oo uu goolka ku ganay Wilfred Ndidi qaybtii labaad ee ciyaarta.

African WC Qualifying Group B: Played Points
Nigeria – Qualified 5 13
Zambia 5 7
Cameroon 5 6
Algeria 5 1

Waxay kula biirayaan wadamada ay kamidka yihiin – Brazil, Spain, Mexico, England, Germany, Iran, South Korea, iyo qaar kale, kuwaas oo dhamaantood boos ka diyaarsaday una soo baxay ciyaaraha xagaaga sanadka dambe ee koobka aduunyada.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Boxing PPV – Chris Eubank Jr vs Avni Yildirim

Full Fight: Ricky Burns vs Anthony Crolla

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com