Nigeria: Qarax ka dhacay garoon kubadda cagta lagu ciyaarayay iyo dad badan oo ku dhintay 

Garoon lagu ciyaarayay kubadda cagta oo ku yaalla waqooyi Bari ee Nigeria ayaa qarax Bomb lala eegtay iyadoo halkaasi dad badan ay ku geeriyoodeen.

Sarkaal u hadlay Dowladda Nigeria ayaa sheegay in garoonkan oo lagu magacaabo “Mubia” . halkaas oo ay 40 qof ku naf waayeen dad kale oo fara-bandanna ku dhaawacmeen.

Goobta qaruxu ka dhacay ayaa waxaa hore falal noocan ah uga geystay ururka Boko Haram ee mar walba u dagaallamaya sidii dowlad Islaami ah looga taagi lahaa Nigeria, waxaana 2012-kii iskuul ku yaalla halkaasi ku dileen 40 ruux. Labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa qaraxyo waxa ay ka dhaceen meelo kala duwan oo Nigeria ah, halkaas oo Boko Haram ay sheegteen masuuliyadeeda , waxaana ka mid ah qarax ka dhacay Jos oo ay ku dhinteen 118 qofood iyo qarax kale oo isna ka dhacay Abuja bishii April kaasoo ay ku dhinteen 95 qof.

Ururka Boko Haram oo magacooda marka la fasiro uu noqonayo Wax barashada reer galbeedku waa xaaraam ayaa 14 bishii April ee la soo dhaafay waxay 276 gabdhood ka afduubteen dugsi ku yaalla waqooyiga dalka Nigeria, iyagoo ku hanjabay in gabdhahaasi ay iibin doonaan ama u guurin doonaan rag kale. 57 ka mid ah Gabdhahaasi waa ay baxsadeen, halka 219 kale weli ay gacanta ugu jiraan Boko Haram.