10:08 am - Wednesday June 28, 2017

‘Nike’ Maaha ee Waa ‘Nikey’, Gudoomiye Shirkada Oo Soo Afjaray Dood Mudo Dheer Soo Socotay

Aidarous

Doodii muddada dheer soo taagnayd ee habka ku dhawaaqista magaca shirkada ugu caansan soo saarida agabka ciyaaraha aduunka ee Nike ayaa la soo af-jaray  kadib markii gudoomiyaha shirkadaasi uu calaamadiyey sida saxda ah ee loogu dhawaaqayo magaca shirkadooda , isagoo ka jawaabayay warqad codsi ah oo loo soo diray.

Philip Knight, gudoomiyaha gudiga sare ee shirkada Nike, ayaa calaamad ku wareejiyey qoraalka warqad lagu soo weydiistay  inuu soo saxo sida dhabta ah ee uu saxda ku yahay magaca shirkada oo ah :’Nike’ mise ‘Nikey’.

Warqadii Looga Soo Jawaabay oo sida saxda ah 'goobaabin' la galliyey

Warqadii Looga Soo Jawaabay oo sida saxda ah ‘goobaabin’ la galliyey

Shaqsigii warqada qoraalka ah ee codsiga ah u diray ee loo soo jawaabay ayaa baahiyey  sidii loogu soo saxay warqadii uu u diray maamulka shirkadaas oo ah ‘ goobaabin lagu wareejiyey ‘  weedha saxda ah ee magaca shirkada.

Mudooyin sanado ah, ma jirin qof si sax ah u garanayay sida dhabta ah ee uu u dhigmayo ama loogu dhawaaqayo magaca ‘ astaanta ‘ shirkada NIKE. Laakiin doodaas waxaa soo afjaray gudoomiye Knight.

Shirkada Nike’ oo la aas aasay sanadii 1964 kii , ayaa dunida caan kaga noqotay soo saarida qalabka ciyaaraha ee caalamka.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Snoop Dogg : Dempsey Waa Laacibka Kubada Cagta Aduunka

Goolhaye caan ah Oo qalqaalo ugu jira soo xero-gelinta ciyaaryahan Fabregas

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: