Nin Qaawan Oo Dhex Qaaday Garoonka Ciyaartii Furitaanka Koobka Aduunka Ee Ciyaarta Cricket-ka

Ciyaaryahanada iyo taageerayaashii xulalka qaranka New Zealand iyo Sri Lanka oo wada ciyaarayay kulanka furitaanka tartanka Koobka aduunka ee ciyaarta Cricket-ka ayaa maad iyo xalad ka dhigtay daqiiqado uu ciyaartoo socota dhex orday nin dharka soo dhigtay oo mudh iyo gacan ah.Nin qaawan cricket world cup

New Zealand ayaa si dhibyar ku dhaafay oo kaga guuleystay xulkii Sri Lanka, laakiin waxaa taageerayaasha qabawga ciyaarta ku caajisay wahabkii ka duuliyey taageere qaawan oo ciidamada amaanka 5 daqiiqo ku kalifay inay daba ordain oo ku xiiqaan qabashadiisa.Nin qaawan cricket world cup 1

Kooxaha amaanka ayay u suurto galli weyday inay si fudud gacanta ugu dhigaan shaqsigan sidii hooyadii ku dhashay ah ee dhex ordaya geggida ciyaartu ka socoto, waxaanay taasi qasabtay in ciyaartu u taagnaado daqiiqado dadweynihii ku sugnaa garoonkuna qosol, or iyo foodhin isugu darayeen xulafadii dhex baacsanaysay ninka qaawan garoonka Christchurch.Nin qaawan cricket world cup 3

Ninkaas qaawan ayaa mardambe u gacan gallay ciidanka ilaalada garoonka , kuwaas oo ka dhex saaray ciyaartiina dib u bilaabatay.

New Zealand ayaa rikoodh cusub ku dhigtay guusha habeenkan furitaanka ciyaaraha aduunka ee Cricket-ka kadib markii ciyaaryahan Corey Anderson kubadu uu qaatay orodka jantu fagaxa ahna  ku gaadhsiiyey 98-jeer, guul ugu horseeday.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Valentine’s Day: Sawir Gacmeed Cajiib Ah Oo Laga Sameeyey xiddigaha dunida

Inzaghi: AC Milan wey guuleysan kartaa dhamaan ciyaaraha u hadhay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com