Racism victim demands compensation: Ninkii Madoobaa Ee Cunsuriyiinta Chelsea Ciqaabeen Oo Magdhaw Dalbaday

Souleymane S oo ahaa ninkii ka soo baxay muuqaalada dunida argagaxa geliyey, isagoo Tareen raac isleh laakiin cunsuriyiin taageerayaasha Chelsea ahi ka hor istaageen ugana dhaarteen inuu raaco ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladiisa iyo maalintaas wixii qabsaday.Souleymane S, the man who was prevented from boarding a Paris Metro
Waraysigii ugu horeeyey ee uu siiyey warbaahinta wadanka Ingiriiska, Souleymane S, ninkii loo diiday inuu fuulo tareenka taagan istaanka Paris Metro train ee ay taageerayaasha Chelsea ka hor istaageen ciyaartii Salaasadii ee horyaalka Champions League, ayaa ku dooday in meeshaas lagu gaadh siiyey “Dhaawac” iyo “Bahdilaad” , magdhawgiina uu ka rabo oo ay masuul ka yihiin Naadiga Chelsea.
Sidoo kale, wuxuu u sheegay idaacada BBC Radio 5 live Drive inaanu wali wax xidhiidh ah la samaynin kooxda iyo masuuliyiinteedaba.
Subaxnimadii Jimcihiina, Tababaraha Chelsea, Jose Mourinho ayaa tilmaamay inuu “Yax-yaxay oo Amakaagay” markii uu maqlay dhacdadaasi.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Pellegrini:- Wuu Naga Maqan Yahay Milner Ciyaarta Newcastle

Barca’s Cancer victim: Barca oo gareenkeeda U bixisay Tito Vilanova

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com