arsenal-oo

Arsene Wenger iyo ciyaartoygiisa da’da yar ee uu u xulay inay waajahaan Nottham Forest ayaa farxad kaga baxay garoonka ay martida ku ahaayeen ee City Ground, Nottingham, kaddib markii ay afar gool oo dhoola-tus u muuqday candhada u geliyeen kooxda ay booqdeen.

Goolka koowaad waxa shabaqa ku ruxay daqiiqaddii 23aad laacibka khadka dhexe ee ku cusub kooxdaas ee Granit Xhaka oo meel fog kaga ganay kubbad xoog badan, goolka labaad iyo ka saddexaadna waxa ugu daray Lucas Perez daqiiqadihii 60aad iyo 71aad ee qaybta dambe. Goolka afraad oo maca-salaamayn ahna waxa si fiican ugu damaashaaday Alex Oxlade-Chamberlain daqiiqaddii u dambaysay ee Ciyaarta.

Kulankan oo ahaa wareegga saddexaad ee tartanka League Cup, waxay Arsenal iska xaadirisay wareegga xiga ee 16-ka kooxood, halkaas oo ay ka sii wadi doonto inay sannadkan u dagaallanto inay ku guuleysato.