Odegaard Oo Lagu Daray Ciyaartooyada Real Ee Champions League ciyaari Doona

odegaard3Da’diisu waa 16 jir, waxa uu nasiib u yeeshay laba toddobaad ka bacdi markii uu ku biiray kooxda ka dhisan caasimadda wadanka Spain ee Madrid, in uu tababare Carlo Ancelotti ku daro 25ka ciyaartoy ee uu u gudbiyey xidhiidhka Yurub ee UEFA, kuwaas oo kooxda u meteli doona ciyaaraha Champions League.

16 jirkan waxa ay Real Madrid bishii hore aakhirkeedii ka soo iibsatay naadiga Stromsgodset eek a dhisan wadanka Norway, waxa uu qalinka ku duugey heshiis dhan saddex sannadood iyo badh uu ku sugnaan doono magaalada Madrid. Waxa uu tababarka la bilaabay kooxda da’yarta ee Real ee lagu magacaabo Casilla, waxaana tababare u noqday oo macallinkiisa koowaad ee kooxdiisan cusub uu noqday Zinedine Zidane, laakiin waxa uu markiiba qabsaday indhaha xiddigaha ugu waaweyn Real Madrid khaasatan Gareth Bale.

Odegaard1Kulankiisii ugu horreeyey ee isaga oo xidhan funaanadda Real Madrid waxay ahayd ciyaar Arbacadii dhex martay kooxda heerka labaad ee Castilla Iyo Beijing Guoa. Waxay ahayd ciyaar saaxiibtinimo, hase yeeshee qaabka uu u ciyaaray Odegaard ayaa mucjiso ku noqday dadka.

Kulanka Real Madrid ay la ciyaari doonto Schalke ee Champions League ee toddobaadka dambe, haddii uu tababare Ancelotti ciyaarsiiyo waxa uu noqon doonaa ninkii ugu da’da yaraa ee abid Champions League ciyaara, waxaanu jebin doonaa rikoodhkaas oo uu hore u haystay laacibkii reer Nigeria ee Celestine Babayaro oo Anderlecht u ciyaaray sannadkii 1994kii ciyaar dhex martay naadiga Steaua Bucharest. Babayaro waxa uu ahaa maalintaas 16 sannadood iyo waliba 87 maalmood.

Odegaard4Odegaard ayaa la sheegay in uu Real Madrid u xidhan doono funaanadda lambarka 21.

Odegaard6odegaard3Odegaard5

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Akhri Warqad Dhiig Lagu Qoray Oo Tababare Rodgers U Diray Taageera Liverpool Ah Oo Awowgii Geeriyooday

Barcelona Oo Dagaal U Gelaysa In Ay Hesho Pogba ama Isco

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com