Olivier Giroud Oo Fursad U Heysta In Uu Ku Soo Bilawdo Ciyaarta West Brom

Ciyaariyahanka xulka qaranka France iyo kooxda Chelsea  Olivier Giroud, ayaa caawa kulankiiisii koowaad ugu soo bilaaban doona kooxda ku ciyaarta Staform Brdidge marka ay caawa garoonkeeda ku soo dhaweyso kooxda The Hawthons ku ciyaarta ee West Brom.

Tababaraha cadaadiska uu saaranyahay ee Antonio Conte ayaa caawa looga baahanyahay in uu iska ka bad baadiyo guuldaradii 3-aad ee xiriir ah kadib 2009 markaa oo uu maamulayay kooxda Bari oo hada ka ciyaarta heerka labaad ee horyaalka Talyaaniga.

Alvaro Morata oo xagaagii la soo dhaafay aduun dhan 70 Milion ugu soo biiray Chelsea ayaa dhaawac garoomada kaga maqan waxaana aad loo hadal hayaa in Giroud uu caawa soo gali karo weerarka kooxda Chelsea kadib 18 Milion uu Blues uu dhawaan ugu soo biiray.

Kadib markii uu xagaagii la soo dhaafay Alexandre Lacazette ku soo biiray Arsenal, Giroud ayaa hal kulan oo Premier League ku soo bilawday isagoo ku sugan Emirates sidoo kale imaanshaha laacibka Gabon Pierre-Emrick Aubameyang, ayaa wiilka France u dhashay ku dhiira galisay in uu isaga dhaqaaqo Emirates.

Giroud, ayaa intaa kadib soo caga dhigtay kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Chelsea halkaa oo booska koowaad ee weerarka uu ka heystay Morata ka hor intii dhaawaca uusan soo gaarin bishii la soo dhaafay.

Olivier Giroud (left) sits next to striker partner Alvaro Morata (right)

Dhanka kale imaanshaha Giroud ee Staform Bridge ayaa fududeesay in xidiga Beligium ee Michy Batushuayi uu qaab amaaha uga tagto Blues isagoo kamid noqday kooxda ku ciyaarta Signal Iduna Park ee Borussia Dortmund.