Oradyahanka u dhashay dalka Itoobiya, Feyisa Lelisa ayaa gaadhay dalka Maraykanka todobaadyo kaddib markii uu ku mudaaharaaday dowladiisa isagoo sii maraya xariijinta ugu dambaysa ee oradada Olimbikada ee ka dhacay magaalada Rio caasimada wadanka Brazil, bishii la soo dhaafay.

Ninkan ku guuleystay biladda qalinka ah ayaa xariijinta dhamaadka tartanka ka gudbay isaga oo gacmahiisa si isweydaar ah isu dhaafiyay, calaamadaas oo astaan u noqotay dadka Oromada ah ee ku kacsan dawladda Itoobiya.

Lelisa ayaa ka yimid gobolka Oromiya oo hoy u ah qowmiyadda Oromada Itoobiya oo ah gobolka ugu dadka badan dalkaasi.

Ethiopia

Oradyahankan ayaa horay u sheegay inuu ka cabsi qabo in la dilo ama xabsi la dhigo haddii uu dalkiisa ku noqdo, waxaanu imika magan-gelyo ka dalbaday dalka Maraykanka.

Dawladda Itoobiya ayaa mar sii horreysay sheegtay in aan la xidhi doonin ciyaaryahanka, marka uu soo noqdona sidii halyey oo kale loogu soo dhawayn doono carradiisa.