3:03 pm - Friday August 23, 5535

Ozil Oo Ka Dalbaday Arsenal In Loo Keeno Draxler

Abdiwahab Ahmed

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Mesut Ozil ayaa weydiistay kooxdiisa in loo keeno ciyaartoyga kooxda Wolfsburg ee Jualian Draxler oo la sheegay inuu ka tegayo kooxdiisa bisha January ee foodda inagu soo haysa marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoygu.

Ozil ayaa u sheegay Arsenal in Draxler oo 23 jir ah in lagu soo daro Arsenal, ka hor inta kooxaha kale ee Paris Saint-Germain iyo naadiyo kale oo raadinayaa aanay gacanta ku dhigin.

Warbaahinta Faransiiska ee RMC Sport, ayaa sheegtay in PSG ay doonayso in bisha January ay soo iibsato 23 jirkan, laakiin Ozil oo la filayo inuu heshiis cusub u saxeexo Arsenal ayaa doonaya inay u wada ciyaaraan Gunners, is fahamkooduna wanaagsanaan doono maadaama ay wakhti kuw ada qaateen xulka qaranka Germany.

Ozil ayaa waxa ka hadhsan qandaraaska uu kula jiro Arsenal 18 bilood, waxaana uu doonayaa in heshiiska uu u kordhiyo haddii loo kordhiyo mushaharka uu qaato wakhtigan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Benzema Oo Hor Tegaya Maxkamad Laga Yaabo Inay Xadhig Ku Xukunto

Liverpool: Mignolet Oo Booska Kala baxaya Karius kulanka Everton

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: