12:04 pm - Tuesday May 30, 2017

Ozil Oo Ka Hadlay Ciyaarta El Clasico Iyo Inuu Dib Ugu Noqonayo Real Madrid

Abdiwahab Ahmed

Kubbad sameeyaha Arsenal ee Mesut Ozil ayaa ka hadlay kooxda uu taageerayo kulanka xiisaha leh ee Clasico ee dhex mari doona Real Madrid iyo Barcelona, taas oo ay dunida oo dhan isha ku hayso.

Ozil oo waraysi dheer siiyey jariidada Marca ee ka soo baxda waddanka Spain, ayaa waxa uu caddeeyey in uu daawan doono ciyaartaas qiimaha badan, uuna u sacaba-tumi doono kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Laacibkan halyeyga ah ee saddexda sannadood u ciyaaray Real Madrid ka hor intii aanu u wareegin Arsenal, waxa uu sheegay in aanu meesha ka saari karin in uu dib ugu laabto Real Madrid oo ah koox uu aad u jecel yahay, dad badan oo taageereyaal ahna uu ku leeyahay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan u ciyaaro Arsenal oo ay joogaan taageereyaal badan oo magacayga ku qayliya. Wanaag ayaan ku dareemayaa London, laakiin kubadda cagta, qofna ma garan karo mustaqbalka. Waynu arki doonaa mustaqbalka waxa dhaca, in aan Madrid ku noqdo iyo inaan sii joogo.” sidaas ayuu yidhi Ozil oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey mustaqbalkiisa.

“Dunida oo dhan ayaa doonaysa inay daawato ciyaarta El Clasico, sababtoo ah waa kulanka ugu weyn dunida. Nasiib wanaagsan ayaan u rajaynayaa labada kooxoodba, laakiin dabcan, anigu waxaan guusha la doonayaa kooxdaydii hore” sidaas ayuu yidhi.

Waraysigan ayaa waxa kale oo uu ku sheegay in uu saaxiib dhow la yahay Sergio Ramos oo dhowaana ay London ku kulmeen, laakiin ay jirto dhibaato dhinaca luuqadda ah kaddib markii uu illoobay Spanish-ka, balse ay ku wada xidhiidhaan Ingiriisida oo Ramos-na si fiican ugu hadlo.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Harry Kane Oo Heshiis Cusub U Saxeexay Tottenham

Hargeysa: Koox Ka Socota Australia Oo Guul-darro U Xambaarisay Xulkii Ku Guuleystay Tartankii Kubadda Cagta Ciyaaraha Gobolada Somaliland Ee Awdal + Sawirro

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com