Pakistan Oo Garaacday India, Kuna Guuleysatay Koobka Adduunka Ee Cricket-ka

Pakistan ayaa ciyaar lala dhacay ku karbaashtay waddanka collaadda weyni ka dhaxayso ee India, si xarrago lehna ugu guuleysatay koobka Champions Trophy oo finalkiisa sannadkan lagu qabtay magaalada London.

Fakhar Zaman ayaa noqday mucjisada garoonka, waxaana uu waddankiisa u dhaliyey goolal aad u badan, waxaana uu sida daadka u jiidhay xiddigaha India oo uu hormood u ahaa Mohammad Amir, kuwaas oo sayn kasoo goosan waayey xulka Pakistan.

India ayaa la timid 158 gool, laakiin Pakistan oo xiddigaheedu ay madaxa ku haysteen colaadda gaamurtay ee xuduudda Kashmir ayaa dhinac walba kaga yimid, waxaana la qaban kari waayey laacibiintooda orodka badan oo isla marka ay kubadda usha ku dhuftaan orod ku gaadhayey diilinta guusha, waxaanay la yimaaddeen 180 gool oo u saamaxay inay koobkan qaaddo markii ugu horreysay tan iyo 1992-kii.

Isla markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa ciyaartoygu damaashaad isku dheg-dhegeen, waxaana sidoo kale laga damaashaaday guud ahaan waddanka Pakistan oo si aad ah ciyaarta looga daawanayay, halka India ay baroor iyo niyad-jab gurayahooda kala soo bixi waayeen.

Pakistan marnaba kumay jirin waddamada loo saadaalinayo inay koobkan qaadaan, waxaanay ahaayeen dalka ugu liita waddamadii Ingiriiska kaga qayb-galay sannadkan koobka.