Difaacyahankii muddada dheer caanka ku ahaa funaanada Manchester United ee Patrice Evra ayaa kusoo laabanaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Kooxda Crystal Palace ayaa go’aansatay in ay u dhaqaaqdo soo xero gelinta difaacyahanka baasha bidix ee waddanka Faransiiska oo boos joogto ah xili ciyaareedkan ka waayey Juventus, isla markaana uu heshiiskiisu dhamaanayo dhamaadka xili ciyaareedkan.

Juventus ayaa go’aan ay soo saartay waxay ugu ogolaatay Evra in uu iska tegi karo, xorna uu u yahay in uu ku biiro kooxda uu doono, taas oo fursad u ah Crytal Palace oo halgan ugu jirta inay kor uga soo ruqaansato booska hoose ee dib ugu laabashada heerka labaad oo ay wakhtigan kulaalayso.

Kooxda reer Spain ee Valencia ayaa iyaduna kula hirdamaysa Palace soo xero-gelinta ciyaaryahankan.

Tababare Sam Allardyce ayaa doonaya in uu kooxdiisa keeno ciyaartoygan si laacibiinta kale ee uu hayso ay uga faa’iidaystaan khibraddiisa. Waxa kale oo kooxdan lagu naanayso Eagles ay doonaysaa Jeffrey Schlupp oo u ciyaara kooxda Leicester City.

Evra oo ay da’diisu tahay 35 jir ayaa lala xidhiidhinayey inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Manchester United kaddib markii uu difaacyahankii hore ee United ee Rio Ferdinand uu bartiisa bulshada ku qoray farriin uu kula taliyey Evra oo ahayd inuu ku biiro kooxda tababare Mourinho.