Partick Thistle vs Rangers FC: Ciyaarta La Sugi La’yahay Ee Caawa

Cadalool kama habsaanto inay ciyaaraha xiisaha leh ee dunida si toos ah ugu baahiso akhristeyaasha iyo daawadeyaasha ku xidhan, caawana mid xiiso leh ayaa diyaar u ah.

Kooxaha reer Scotland ee Patrick Thistle iyo Rangers ayaa foodda isku dari doona garoonka Firhill fiidnimada, taas oo goolhayaha Tomas Cerny oo ka tirsan Patrick Thistle ay suurtogal tahay inuu seego, kaddib markii uu dhaawac muruqa ka gaadhayc iyaartii toddobaadkan horraantiisii ay kooxdiisu la yeelatay Ross County.

Ciyaaryahannada muddada dheer garoomada ka maqnaa ee Callum Booth, Gary Fraser iyo Mustapha Dumbuya ayaa sariirta oolli doona, hase yeeshee difaaca Niall Keown ayaa kasoo laabtay ganaax ku dhacay, dibna ugu soo laaban doona garoomada, taas oo farxad u ah Patrick Thistle.

Dhinaca Rangers, dhamaan ciyaaryahannadeedu diyaar ayay u yihiin kulankan, waxaase wali sugaya inuu kooxda ka mid noqday difaaca bidix ee dhawaan ku biiray ee Declan John.

Kooxda uu tababaraha u yahay Caixinha ee Rangers laba jeer ayay booqanaysaa garoonka Firhill afar maalmood gudahood, kaddib markii ay kooxdan ay xafiiltamaan isku haleeleen Glasgow ciyaar ka tirsan Scottish League cup oo maraya marxaladda afar dhamaadka.

Wiilasha xiisaha badan loo hayo ee ku ciyaara garoonka Ibrox ee Rangeers, waxay saddex dhibcood ka hooseeyaan Celtic oo hoggaanka haysa, waxaanay doonayaan inay ciyaartan badiyaan si ay  kaalinta sare ugu cidhiidhyaan Celtic.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Arsenal iyo Cologne Oo La Ganaaxayo

Rasmi: Isco Oo Heshiis Cusub U Saxeexay Real Madrid + Sawirro

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com