Laacibka khadka dhexe uga ciyaara naadiga Manchester United ee Paul Pogba ayaa sheegay in kor u kaca dhawaanahan inuu ka caawiyey tabobare Jose Mourinho oo u ogolaaday “inuu xoriyad u dhex mushaaxo” garoonka ciyaarta.

Ciyaaryahanka xulka France ee 23 sano jirka ahi, wuxuu ku bilaabay si caajis ah wakhtigii u horeysay markii ay United qiime dhan £89m oo noqonaysay rikoodh dunida ah soo siisatay.

Laakiin, sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey Manchester United ee aan dhinaceeda dhulka la dhigin, ahaa mucjisada ciyaarta siduu doono u maamulayay.

“Wuxuu igu yidhi, cidna ha dhagaysan, kaliya ciyaarta u fiirso oo diirada saar, oo sidaad doonto ugu raaxayso. Waana taas ta aan shaqada ka dhigtay aniguna,” ayuu Pogba ku yidhi, waraysi khaas ah oo uu siiyey idaacada BBC qaybteeda tebinta kubadda cagta.

“Wuu ila sheekaystay. Wuxuu i siiyey kalsooni bilaa xad ah, iyo inaan ku raaxaysto ciyaarista,” ayuu Intaas ku daray Pogba, oo todoba ciyaarood u saftay United ka hor intii aanu ugu wareegin naadiga Juve aduun dhamaa £1.5m badhtamihii sanada 2012.

“Wuxuu igu yidhi ‘waad garanaysaa sida loo ciyaaro, samee wax kasta oo aad awoodo inaad sameyso’. Wuxuu ii ogolaaday inaan xoriyad ku dhex wareego garoonka.