10:08 am - Wednesday June 28, 2017

Pele Innankiisa Oo 33 Sanno Oo Xabsi Ah Lagu Xukumay

Aidarous

Wiil uu dhallay boqorka kubada cagta aduunka ee Pele oo lagu magacaabo Edinho, ayaa lagu xukumay 33 sannadood oo xabsi ah kadib markii lagu hellay inuu u gudbiyo lacagaha faraha badan ganacsatada daroogada waarida ee wadamada Koonfurta Amerika.

Edinho – oo 10 sanno ka hor ayaa ciyaaryahan ka u ciyaara kooxda Santos ee ka dhisan wadanka Brazil, ayaa lagu cadeeyey inuu lacagta daroogada ka soo baxda u kala gudbiyo dadyow kala duwan oo ku mamay ka ganacsiga maandooriyaha.

Pele Inankiisa

Edinho Pele oo ah wiilka uu dhallay pele ayaa 33 sanadood liinta ku dhex cabi doona xabsiga gudihiisa

Warkan uur xumada ah ayaa soo if bixiisu masiibo hor leh ku yahay halyeyga reer Brazil ee aabaha u ah ee Pele.

Inna Pele ayaa maxkamada horteeda ka qirtay inuu yahay qof ay jiidatay isticmaalka daroogadu , laakiin wuxuu si weyn uga qayliyey oo ku celceliyey inuu beri ka yahay dacwada horseeday xukunkiisa ee dilaalka gudbiyaha lacagaha khaldan.

43 jirkan oo dhawr jeer oo horena xabsi u gallay maandooriye daraadii , ayaa wakhti xaadirkan ahaa tababaraha goolhaye-yaasha kooxda Santos.

Sida ay ku waramayso warbaahinta wadanka Brazil , waxaa si weyn loo rajaynayaa in xukunkan uu racfaan ka qaadan doono inna pele.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Xulka Qaranka England Oo Sawir Wadareedkii Ugu Dambeeyey Ku Gallay Miami

Eto’o Oo Noqday Cadowga 1aad ee Mourinho, Mar Kalena Weeraray

Related posts
One Response to “Pele Innankiisa Oo 33 Sanno Oo Xabsi Ah Lagu Xukumay”
  1. Anonymous
    # 02/06/2014 at 8:31 pm

    Wa la yab

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: