PELE: Messi Wuu Shiday Barcelona, Laakiin Argentina Waxba Uma Qaban

Messi.Ruug caddaaga reer Brazil ee Pele ayaa sheegay in Lionel Messi uu si fiican ugu ciyaaray kooxdiisa Barcelona, una horseeday guulo badan, balse xulka dalkiisa aanu waxba u qabanin marka la barbar dhigo Barcelona.

Messi oo Barcelona u horseeday in ay ku guuleysato saddex Champions League, iyo koobab kale oo badan, ayaa xulka dalkiisa Argentine sannadkii hore wuxuu gaadhsiiyey finalka koobkii adduunka ee lagu qabtay Brazil markaas oo Germany ay ka qaaday.

Haddaba, Pele oo wax laga weydiiyey laacibkan ayaa waxa uu sheegay in Barcelona uu si fiican ula qabsaday, ciyaartiisana si fiican ugu soo bandhigi karo balse dalkiisa aanay taasi suurtogal u ahayn.

“Lionel Messi marka uu u ciyaarayo Barcelona si fiican ayuu u fahamsan yahay oo uu u yaqaanaa, waana ciyaartoy fiican, laakiin marka uu Argentina u tago, waa meel ka duwan Barcelona, oo u ciyaaraysa qaab ka duwan sidii Barcelona. Argentina uma habaysna sida Barcelona, sidan oo kalena waxay ku dhacdaa Neymar.” Ayuu yidhi Pele.

Ruug caddaaga reer Brazil, waxa kale oo uu ka hadlay koobka Copa America ee sannadkan lagu qaban doono wadanka Chile, halkaas oo ay ka xaadiri doonaan xiddigo waaweyn sida Neymar, Messi, Sanchez, Vidal, Di Maria iyo rag kale oo caan ah, waxaanu ruug-caddaagani xusay in xiddigahani ay ku kellifi doonaan bulsho weynta caalamka in la daawado koobkaas.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Juanfran: Laba Jeer ayaan iska diiday Arsenal

Maradona: Van Gaal Waa Shaydaanka Ugu Weyn Adduunka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com