Pellegrini: Uma Baqanayo Shaqadayda, Waayo Waajibkayga Waan Gutaa

Tabababaraha Manchester City, Manuel Pellegrini ayaa ku adkaystay in aanu ka walaacsanayn suurtogalnimada in uu waayo shaqadiisa kadib guul-darrooyin la soo dersay kooxdiisa.

Manchester City ayaa xalay la kulantay jab meesha ka saaray rajadii ay ka qabtay in ay difaacato horyaalka, kadib markii ay 2-1 ku garaacday Crystal Palace. City waxay hadda ku jirtaa kaalinta 4aad, kaliya fursadda hortaallaana waa in ay u halganto in ay ka mid noqoto kooxaha sannadka dambe ka qayb geli doona Champions Legue.

“Kama walaacsani shaqadayda, weligayna kama walaacin. Uma baqanayo waayo shaqadayda waan qabsadaa aadna waan u faraxsanahay. Kooxdu waxay ku jirta wakhti adag laakiin aniga murugo iguma hayso.” Sidaas ayuu yidhi Pellegrini.

“Kama fikirayno Chelsea ama in aanu ku guuleysanno horyaalka, kaliya waxa aanu isku dayeynaa in aanu ku guuleysano ciyaarahayaga.” Ayuu raaciyey.


Manuel Pellegrini wuxuu tibaaxay in toddobada ciyaartood ee ka hadhay dhamaadka horyaalka Premier League ay ku dedaali doonaan in ay badiyaa si ay u xaqiiyeen boos ay ka helaan Champions League.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ribery Oo Ka Hadlay Khilaf Dhex-maray Van Gaal Iyo Diidmadiisii Real Madrid

Real Madrid: Taageereyaasha Oo U Codeeyey In la fadhiisiyo Bale

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com