Pep Guardiola Oo Difaacay Claudio Bravo Kadib Guushii Darbiga Manchester

guardiola-oo-amaanay-bravo

Tabobaraha kooxda Manchester City, Pep Guardiola ayaa taageero la barbar istaagay goolwade Claudio Bravom kana difaacay eeda ah inuu dhawr jeer khaladaad sameey kuwaas oo sababi gaadhay in kooxdiisa laga badiyo, ciyaartii Derbiga Manchester ee ay United kaga adkaateen garoonkeeda Old Trafford.

Bravo ayaa safanayay ciyaartiisii koobaad ee uu u ciyaaro naadiga City, tan iyo markii ay kala soo wareegeen Barcelona si uu bedel ugu noqdo goolwadihii naadiga Joe Hart, oo amaah ahaan ugu biiray Torino.

Laakiin, ciyaarta oo City ku hogaaminayso 2-0, gool ilaaliyaha reer Chile, wuxuu isku dayay inuu tiigsado oo feedho kubbad la soo qaaday, waxaanu sababay inuu ka laliyo ciyaaryahanadii City una gacan galiyo kubbada, weeraryahan Ibrahimovic , kaas oo isna shabaqa ku hubsaday, ciyaartiina ka dhigay mid sanka la isku saaran yahay.

38293d5b00000578-3783257-image-a-31_1473525453136

“Qaybtii hore si fiican ayaanu u ciyaarnay waxaana u sabab ahaa Claudio,” ayuu yidhi Guardiola, oo kooxdiisa guushu ku raacday 2-1.

“Waan jecelahay goolwadeyaasha kubbada ku dagaalamam, haduu doono goolba haka dhashee, qaybtii dambena, wuxuu sii waday inuu sidii fiicnayd u sii ciyaaro,  taasina waa arin u fiican shaqsiyadiisa.”

Kooxda Manchester City ayaa ahayd tan wanaagsan qaybtii hore ee hore oo dhan, una muuqatay mid ku raaxaysanaysa inay xejisato goolal laba ah oo ay u kala saxeexeen xidigeheeda Kevin de Bruyne iyo Kelechi Iheanacho.

Laakiin goolwadaha, 33 jirka ah ee Bravo, oo naadiga ku soo galay qiime dhan £15.4m oo ay ka siisteen kooxdii hore ee tabobare Guardiola, ayay ka danab kacday kubbadii xorta ahayd ee uu soo laagay Wayne Rooney, una ogolaaday in Zlatan Ibrahimovic uu ka xareeyo shabaqa ka hor dhamaadkii qaybta koobaad.

Guardiola, oo jecel in goolwadeyaashu difaacnimona ku darsadaan shaqadooda, ayaa aad u amaanay qaab ciyaareedkii kubbad joojiyaha reer Chile iyo xirfadiisaba.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Wax Ka Barro Taariikhda Xiddiga Gobollka Maroodi-Jeex & Kooxda D.H.H Maxamuud Goofindha – (Qeybta 1-aad)

Mourinho: ‘Waxaanu xaq u lahayn laba rigoodhe’

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com