6:43 pm - Monday August 21, 2017

Pep: United ‘waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican caalamka’

Aidarous

Pep Guardiola ayaa ku tilmaamay kooxda Manchester United inay tahay “koox kamid ah kooxaha ugu fiican aduunka” kadib markii uu indhihiisa ku arkay, kooxdiisii lama loodiye-yaasha ahayd, oo dagaal ugu jirta sidii ay isaga soo badi lahayd hal gool oo lagaga naxsaday bilowga qaybtii dambe ee ciyaarta , kulankii xallay ay isku haleeleen horyaalka Yurub ahaa ee ay isku heleen Manchester United iyo Bayern Munich garoonka  Old Trafford .

United ayaa ku naaloonaysay guul uu u horseeday Nemanja Vidic oo kubad madax ah qadab siiyey shabaqa Muncih , 9 daqiiqo ka hor intii aanu Rajadaas beeninin wiilka Bastian Schweinsteiger , oo xallay casaan la siiyey markii uu digniintii labaad oo huruud ah ku qaatay weeraryahan Weyne Rooney.

Tababare Pep oo kulanka kadib Sky sport  waraysi siiyey , ayaa qiray inuu ku faraxsan yahay natiijada 1-1 ka ah ee ka soo baxday kulanka.

“Si Weyn baan ugu qanacsanahay. Man United waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican aduunka.”Ayuu Yidhi Guardiola.

“Waxaanu dhallinay gool aanu garoon kale ku dhalinay (Away Goal) kaas oo muhiim ah, laakiin waxa kale oo aanu nasiib u helnay inaanu ka dhigno dedaalkii (Danny) Welbeck iyo Rooney, mid aan midho dhal lahayn.

“Goolka nalaga dhaliyey wey adkayd in nalaga haysto. Mana fududa inaan la ciyaarto koox difaaceedu sidaas u adag yahay. Weynu arki doonaa haddii aanu xal u helli karno ciyaarta dambe ee Munich.

“Badanaa waa khatar markaad ciyaarta labaad isla tagtaan idinkoo haysta natiijo 1-1 ah, laakiin xataa 2-1 guul ah oonu anagu leenahay waxay nagu ahaan lahaayeen khatar. Waxaanu xooga saari doonaa guul uun ciyaarta dambe, waxaanan hubaa inaanu guushaas helideeda abuuri doono.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Neymar Oo La Baxsaday Barcelona Iyo Wacdarihii Atletico ee Caawa

Barcelona Oo Racfaan ka qaadanaysa Go’aankii FIFA kaga Joojisay La Soo Wareegista Ciyaaryahanada

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: