Pepe Oo Laga Yaabo Inuu Seego Kulanka Final-ka Champions League

Cadalool – 9-May-2014 – Ciyaaryahanka difaaca kooxda Real Madrid ee Pepe ayaa dhaawac soo gaadhay daraadii shaki weyni hadheeyey isla markaana looga cabsi qabaa inuu seegayo oo ka baaqajinayo ciyaarta Final-ka horyaalka Yurub ee Champions League.

Laacibka reer Portugal ayaa dhamaystay 90 kii daqiiqo ee kulankii barbaraha 1-1 ka ah ay kooxdiisu la gashay naadiga Valladolid Salaasaddii, laakiin baadhis la mariyey maanta Jimcihii ayay natiijadii ka soo baxday cadaysay in muruqa bawdada dhaawac kaga yaalo kaas oo ka soo gaadhay isla ciyaartaas mar ay isku dhaceen ciyaaryahanka Jose Zorrilla.

“Kadib baadhis lagu sameeyey iyo sawiradii tijaabada ahaa ee lagaga qaaday Jimcihii cusbitaalka Sanitas La Moraleja, ciyaaryahan Pepe waxa laga dawayn doonaa, dhaawac muruqa ah oo darajada koowaad ah oo lugta Bidix ka soo gaadhay,” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay naadiga Madrid.

Madrid ayaan ilaa wali war rasmi ah oo faahfaahsan ka soo saarin mudada ay qaadanayso dawayntiisu , laakiin warar kale oo laga helayo wadanka Spain ayaa xaqiijinaya in laba todobaad uu u jiifayo dhaawacan , taas oo shaki gallinaysa ka qayb galka ciyaaryahanka ee kulanka kamadambaysta Horyaalka Yurub oo 24 ka bishan May ku dhex mari doona Real Madrid iyo Atletico madrid magaalada Lisbon ee wadanka Portugal.

Cristiano Ronaldo ayaa laftiisa ciyaartii Valladolid looga saaray dhaawac dartii , laakiin tababare Carlo Ancelotti ayaa si degdeg ah markiiba shaaca uga qaaday in dhaawaca Ronaldo aanu ahayn mid halis ah.