Petr Cech Oo Ka Tagaya Chelsea

Mustaqbalkii mudada dheer ee Goolwade Petr Cech uu kula joogay naadiga Chelsea ayaa waxaa hadheeyey mugdi kadib markii uu sheegay inaanu sanad dambe kursiga kaydka ugu sii jiri doonin laacibka laga door biday ee Thibaut Courtois.Petr Cech and
32 jirkan xulka Czech Republic ayaa lagu bilaabay afar ciyaarood oo kaliya xili ciyaareedkan iyadoo kooxda Chelsea ka door biday goolwadaha koobaadna u garatay Courtois.
“Ma fahmayo sida ay kooxdu u fikirayso ama fikirka naadigu noqon doono. Waxay u muuqataa sidii oo inay shaqaysay in Thibaut iyo anigu aanu sidaas isu daba fadhino,” Ayuu Cech ku yidhi wargeyska Idnes newspaper. “Laakiin taasi waxay shaqayn kartaa oo kaliya hal xili ciyaareed oo qudh ah. Ma doonayo in sanad kale sidan igu dhaafo.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Brazil v France: Waddamo Colaad Kubbadeed Ka Dhaxayso Oo Khamiista Iska Hor Iman Doona

Xulka Germany Oo Barroor Diiq U Samaynaya 150 kii Qof Ee Diyaaradu La Dhacday

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com