Philippe Coutinho Oo Lambarka 7-aad Ee Barcelona Xiran Doona Fasal Ciyaareedka Cusub

Kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa ku dhawaaqday in laacibkeed reer Brazil Philippe Coutinho uu xili ciyaareedka cusub xiran doono lambarka 7-aad ee naadiga Bluagrana.

Image result for Coutinho Number 7

Coutinho ayaa Camp Nou ku soo biiray suuqii jiilaalka ee la soo dhaafay,laakiin ciyaaryahankaasi ayaa tan iyo xiligaasi xirnaa lambarka 14-aad ee kooxda uu hogaamiyo Ernest Valverde.

Lambarka uu xili ciyaareedka cusub qaadan doono xidigii hore ee Liverpool ayaa waxaa horay ugu hubeysnaa laacibka dalka Turkiga Arda Turan oo bishii January ee la soo dhaafay Barcelona isaga tagay.

Philippe Coutinho ayaa horay lambarka 7-aad uga soo xirtay kooxda reer Talyaani ee Inter Milan oo 2013 uu ka dhaqaaqay,isagoo xiligaasi kamid noqay kooxda ku ciyaart Anfield ee Liverpool halkaa oo uu  lambarka 10-aad.

Si kastaba ha’ahaatee Philippe Coutinho ayaa suuqii jiilaalka ee la soo dhaafay Barcelona ugu soo biiray aduun dhan 145 Milyan isagoo durba muujiyay saameynta uu ku leeyahay garoonka Cam Nou waxaana uu 10 gool dhaliyay 22 ciyaarood oo kooxda uu ka soo muuqay qeyb kamid ah xili ciyaareedki 207/2018.

Image result for David Villa Barcelona

Ugu danbeyn wax jiray ciyaartooy heer caalami ah oo soo xirtay lambarka 7-aad ee Barcelona kuwaa oo guuleystay waayahoodii kooxdaasi waxaana ciyaartooydaasi kamid ah gool dhaliyihii Argentina Javier Saviola, garabkii duulay ee Spain David Villa iyo kubad sameeyihii Portugal Luis Figo Coutinho ayaana ku raaci kara wadada ay mareen ciyaartooydaasi,marka laga dab qaato kulamada uu Barcelona ka soo muuqday.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.