3:03 pm - Friday August 23, 9365

Pique: Barcelona Meeqaam Liita Ayay Dhigtay Fabregas

Aidarous

Ciyaaryahanka difaaca kooxda Barcelona , Gerard Pique ayaa ku eedeeyey kooxda Barcelona, inaanay ula dhaqmin sidii uu u qalmayay laacibka khadka dhexe ee ay isku naadiga ka tirsan yihiin, Cesc Fabregas.

Xidigan khadka dhexe ayaa ku guuldaraystay inuu kamid noqdo xulka safka hore ee naadiga Catalanka, tan iyo maalintii uu kaga yimid dhinaca Arsenal ee sanadkii 2011.

Xagaagan, Fabregas waxaa loo badinayaa inuu ku noqonayo horyaalka England, oo uu waliba u wareegayo Manchester City, kooxdan Horyaalka haysataana ay diyaar la tahay inay ku bixiso €37 million heshiis qiimihiisu ku kacayo, sidoo kalena waxaa la warinayaa in Arsenal lafteedu danaynayso soo noqoshada laacibkan sibiqda ku dhaafay.

Pique ayaase rajo ka qaba oo ka filaya saaxiibkii inuu iska ilaabo dalabyadaas oo dhan, kuna negaado Barca , laakiin hadana ka cabsi qaba in kooxdu ay dhigi weydo meeqaamkii uu u qalmayay Cesc.

“Aad baan uga helaa Cesc waanan ka warqabaa inuu soo dhex jubaaxay wakhti adag, iyadoo ay ugu wacnayd meeqaamka liita ee ay Barcelona dhigtay,” ayuu laacibka difaaca ahi ku yidhi saxaafada , mar uu shir jaraa’id oo xulkiisu qabtay ka hadlayay.

“Waa mid kamid ah ciyaaryahanada , ay koox kasta oo dunida ka dhisani , safka hore ee doonisteeda soo, waa xidiga naadiga.

“Iyadoo uu sidaas yahay, hadana dhibaato ayuu kala kulmay Barca. Ma garanayo wuxuu isleeyahay qabo ama yeel imika, oo wali taas kamaanu wada hadlin.

“Waxaan rajaynayaa inuu nala joogi doono, maxaa yeelay, haddii aad eegto darajadiisa xili ciyaareedkii sanadkan, wuxuu ahaa laacibka khadka dhexe ee ugu gool dhalinta sareeya, iyo ka ugu caawinta badan leh. Dabcan waxaan jeclahay inuu nala sii joogo.”

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Diego Costa Wuu Shidi Doonaa Horyaalka Ingiriiska – Mata

Yaab: Dhowr sababood Oo tahli kara inuu Cesc Fabregas isaga hayaamo Barcelona

Related posts
One Response to “Pique: Barcelona Meeqaam Liita Ayay Dhigtay Fabregas”
  1. # 13/07/2014 at 1:27 pm

    Pique: Barcelona Meeqaam Liita Ayay Dhigtay Fabregas Wararka Ciyaaraha | CadaloolCadalool

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: