Pique: “Messi Kama Taliyo Halkan (Barca)”

Lionel-Messi-Luis-EnriqueDifaacyahanka Barcelona eee Gerard Pique ayaa qiray in uu Messi awood dheeraad ah ku dhex leeyahay kooxdiisa, laakiin aanu isagu go’aamada kama dambaysta uu iska leeyahay tababare Luis Enrique.

Waxa jiray muddooyinkii u dambeeyey in xidhiidhka Messi iyo Enrique uu xumaanayay isla markaana la sheegay in ay mar gacanta isula tageen laakiin ay ku kala guntadeen oo ay kala qabteen Neymar iyo ciyaartooyo kale wakhti ay kooxdu tababar samaynaysay. Waxa warkaas isna xaqiijiyey difaacyahanka reer France ee Jeremy Matheu laakiin ay kooxdu ku khasabtay in uu raaligelin ka bixiyo xaqiijinta warkaas uu warbaahinta siiyey.

Pique ayaa sidoo kale Jimcaha maanta ah waxa uu xaqiijiyey in uu jiray khilaaf u dhexeeyey labada shakhsi ee ugu awuoodda badan garoonka Camp Nou ee Messi iyo Enrique, laakiin wuxuu ku adkaystay in uu talada koowaad leeyahay Enrique.

“Koox kasta khilaaf wuu ka dhex dhashaa. Luis Enrique iyo Messi way isku dhaceen laakiin waa wax laga soo gudbay. Messi waa ciyaartoyga dunida ugu fiican” ayuu yidhi Pique.

Pique waxa uu tibaaxay in uu jecel yahay in uu xirfaddiisa ku dhamaysto Barca, isla markaana qaabka ay kubadda u ciyaarto uu si fiican u soo jiito.

“Si bad qab ah ayaan Barca ugu soo gunaanadi karaa xirfaddayda, sababtoo shan sannadood kadib ama lix sannadood kadib, uma ciyaari karo koox kale” ayuu yidhi laacibkan 28 jirka ahi.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Luka Modric: “Saddex Toddobaad Kadib Waan Ciyaari Doonaa”

“Anigu ma ahi Atoore iyo Is-tus ” – Benzema

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com