Piqué Oo Lagu Ganaaxay Dembi Uu Ka Galay Sarkaal Boolis Ah

gerard-piqueCiyaartoyga Barcelona ee Gerard Pique ayaa lagu xukumay in uu bixiyo ganaax dhan 10,500 euro kadib markii la hor geeyey maxkamadda Magistrates eek u taalla Barcelona taas oo ka dambaysay markii uu dagaal kala hor tagay sarkaal askari oo ka tirsan ciidamada Dawladda Hoose (Guardia Urbana) saacadihii hore ee 13kii October ee sannadkii hore. Pique waxa ay maxkamaddu u cuskatay xukunka ay ku ridday qodobka dhigaya carqaladaynta nabadda iyo dembi uu ka galay booliska.

Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in ganaaxa lagu xukumay Pique loo eegay xaaladda dhaqaale ee ciyaartoyga, isla markaana kor loo qaaday ganaaxii ay xeer-illaalintu dalbatay markii hore in lagu xukumo ciyaartoyga oo ahayd 900 euros, taas oo laga dhigay 10,500.

Dacwaddan oo la dhegaystay 19kii February ayaanu ka soo xaadirin Pique, waxaanu sarkaalkii booliska ahaa ee uu qash-qashaaday Pique oo maxkamadda joogay ka sheekeeyey hadalladii qallafsanaa ee uu laacibkani ku weeraray.

Qareenka Pique ayaa isna maxkamadda ka hor akhriyey warqad uu soo qortay Pique, taas oo uu ku yidhi: “Waxa aan sameeyey dembi, waxaanse xaqiijinayaa in aanu mar dambe dhici doonin fal noocan oo kale ahi”.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Pele: Waxa La Gaadhay Wakhtigii Koobka Adduunka Lagu Qaban Lahaa Australia

Wenger: Waxaan doonayey in aan bilaash ku fasaxo Coquelin

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com