12:09 pm - Tuesday May 30, 2017

Pique Oo Muran Awgii Uga Fadhiisanaya Xulka Spain

Abdiwahab Ahmed

pique

Laacibka daafaca uga ciyaara xulka qaranka Spain, Gerard Pique, ayaa ka fadhriisan doona ciyaaraha caalamiga ah marka uu dhammaado koobka adduunka ee 2018, ka dib muran ka dhashay funaanada uu ku ciyaaro.

Laacibkan 29 jirka ah ee ka tirsan kooxda Barcelona, ayaa ku caanbaxay inuu u ololeeyo madaxbannaanida gobolka Catalonia ee Spain ka tirsan.

Ciyaartii ay xalay Spain 2-0 kaga adkaatay Albania, ayaa gacanta funaanadiisa waxaa si ka duwan ciyaartooyda kale aan ku dhaganeyn calanka dalkiisa.

Ka dib dhaleeceyn badan oo uga timid bulshada Spain, ayaa xidhiidhka kubadda cagta ee dalkaasi waxa uu ka hadlay sida ay wax u dhaceen, iyagoo difaacay Pique.

War qoraal ah oo uu soo saaray xidhiidhku, ayaa lagu sheegay in Pique uu gacmaha ka jaray funaanadiisa, isla markaana uu sidaa ku qanacsanaa, taasoo ay horay u sameeyeen ciyaartooy badan.

Pique ayaa xulka Spain la qaaday koobkii adduunka ee 2010 iyo kii Euro ee 2012.

Waxa uu sheegay in uu ka daalay dhaliisha loo soo jeedinayo, sida awgeedna uu ciyaaraha xulka Spain ka fadhiisan doono marka uu dhammaado koobka adduunka ee 2018.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Tuug Jabsatay Guriga Halyeygii Brazil Ee Romario

100-ka Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsan Dunida

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com