Pique Oo Sheegay In Drogba, Messi Iyo Ronaldo Ay Ugu Fiican Yihiin Raggii Uu La Kulmay

Difaacyahanka Barcelona ee Gerard Pique ayaa sheegay in Didier Drogba, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ay yihiin saddexdii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa ee uu ka hor tago intii uu kubadda cagta ciyaarayey.

Pique oo Barcelona ku biiray sannadkii 2008 isaga oo ka yimid Manchester United, ayaa waxa uu isku diyaarinayaa kulankiisii 300aad ee uu u safto kooxdiisa oo ka hor intii aanu tegin Manchester United uu ka mid ahaa da’yartii  Barca.

Intii uu joogay Barcelona, waxa uu kooxdiisa kula guuleystay laba jeer oo tartanka Champions League ah, afar koob oo La Liga ah iyo guulo kale oo qiimo u leh isaga iyo kooxdiisaba.

Pique oo u warramay jariidadda Mundo Deportivo ayaa waxa uu sheegay in saddexda weeraryahan ee Drogba, Messi iyo Ronaldo ay yihiin kuwiwi ugu waangsanaa ee uu ka hor tago.

“Ciyaartooyo badan ayaa jiray, laakiin waxaan tilmaami karayaa Drogba, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi” ayuu yidhi

Pique waxa kale oo uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay isla markaana ay sharaf u tahay in uu gaadho 300 kulan oo uu ku sugan yahay Barcelona.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

AC Milan Oo Dib Ugu Soo Noqotay Suuqyada Iyo Ciyaartooyo Ay Rabto

Lucas Moura: “Leo Messi Ayaan ku daydaa”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com