Pirlo: Waan Ka Weynaaday Da’daan Ku Biiri Lahaa PSG

Cadalool-(Arbaca -May-7 ) – Andrea Pirlo ayaa hoos u dhigay wararkii la xidhiidhinayay inuu ku biirayo kooxda move to Paris Saint-Germain, waxaanu si kaftan ah u isticmaalay erayada “waan ka weynaaday” da’dii aan ku biiri lahaa kooxda horyaalka Faransiiska haysata.

Laacibka 34 jirka ahi , wuxuu ku adkaystay inuu inta uga dhiman wakhtigii uu ciyaaraha ka fadhiisan lahaa , uu ku qaadanayo naadiga lagu naanayso Bianconeri, in kasta oo uu hadana woxogaa ka ciyaarista duni aan Talyaaniga ahayn aanu meesha ka saarin.

“Waa run inaan jeclaa inaan isku dayo inaan horyaal kale bal soo tijaabiyo,” ayuu ku yidhi Jariidada L’Equipe. “Waxaa i soo maray fursado badan marar hore waxaana isoo gaadhay dalabyo is daba jooga.

“Maalin ay noqotaba, Waxaan gunaanadka xirfadayda ku soo afmeeri halkan Talyaaniga. Waynu arki doonaa mustaqbalka waxa dhaca, laakiin waan ka weynahay da’dii u wareegi lahayd PSG.

“Waxaan doonayaa inaan Juventus sii joogo ilaa dhowr sanno oo kale, Halkan ayaan ku faraxsanahay.”