11:44 pm - Thursday July 27, 2017

Player Of The Week: UEFA Oo Ku Dhawaaqday Xiddigii Ugu Fiicnaa Toddobaadka Champions League

Samatar Mohamed

week

Xidhiidhka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa cod bixin ay ka qaaday taageerayaasha kubadda cagta, waxa ay ku shaacisay in xiddigii toddobaadkan ugu fiicnaa kulamaddii la ciyaaray Champions League inuu yahay xiddiga reer Portugal iyo kooxda Besiktas Ricardo Quaresma.

Ricardo Qauresma ayaa muhiim u ahaa kooxda reer Turki isaga oo hogaanka u dhiibay kulankii ay barbaraha 1-1 kala kulmeen kooxda Dynamo Kyiv, waxaana uu helay 41% codadkii ay taageerayaashu ku dooranayeen xiddiga toddobaadka ee Champions League.

Quaresma ayaa ka cod batay Cristiano Ronaldo oo ka mid ahaa musharrixiinta isaga oo shabaqa soo taabtay kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Borussia Dortmund, xiddigaha sidoo kale u sharaxnaa waxaa ka mid ah Carrasco kaas oo dhalliyey goolkii ay Atletico Madrid kaga badisay Bayern Munich.

Edinson Cavani iyo Theo Walcott oo iyaguna min 2-gool u dhalliyey kooxahooda PSG iyo Arsenal ayaa ka mid ah xiddigihii la tartamayey Ricardo Qauresma, si la mid ah Samir Nasri, Dybala iyo Javier Hernandez.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Xulka Spain Ee Lagu Dhawaaqay Oo Real Iyo Barcelona U Kala Hiiliyey

War Cusb: Horyaalka Serie A-da Oo Markii Ugu Horeysay Dhaqan Gelinaya Hannaan Cusub Oo Horyaal Kale Aanu Adeegsan..!

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: