Portugal Oo Xaqiijisay In Uu Dhaawacmay Difaacyahanka Pepe

Pepe ayaa ka maqnaan doona ciyaarta ciyaarta is-reeb-reebka EURO 2016 ee xulka Portugal la yeelan doono Serbia taas oo ka dhici doonta magaalada Lisbon ee dalka Portugal.

Tababaraha xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in uu dhaawac fudud haleelay difaacyahanka Pepe, isla markaana aanu ciyaari doonin kulanka soo socda.

Santos waxa uu sheegay in inkasta oo dhaawacu uu fudu yahay haddana uu baadhitaano lagu sameeyey ay muujiyeen in uu u baahan yahay in la nasiyo isla markaana daawooyin la siiyo si uu uga soo kabto dhaawacaas oo sabab u noqonaya in uu ciyaarin kulankaas.

Pepe ayaa ku sugnaa Salaasadii iyo Arbacadii toddobaadkii hore xarunta jimicsiga jidhka ee xulka Portugal, waxaana u suurto gashay in uu Khamiistii tababarka la bilaabo kooxdiisa, hase yeeshee ma awoodi karayo in uu ciyaaro kulankaas.

Xidhiidhka kubadda cagta Portugal ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan FPF ayaan war rasmi ah ka soo saarin sida ay tahay xaaladda Pepe, laakiin qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ee dalkaas ayaa sheegay in uu dhaawac ka gaadhay muruqa.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wenger Oo Lacag Badan Ku Bixinaya Xiddiga Reer Kenya Ee Wanyama & Mitrovic

Kroos Oo Si Kulul U Canaantay warbaahinta Spain

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com