Xulka Portugal ayaa si qurux badan u karbaashay xulka Latvia Ciyaar ku dhex martay Algarve, oo ku tirsanayd isreeb reebka koobka aduunka 2018.

portugal-4-1-latvia-

Cristiano Ronaldo ayaa furay gool dhalinta, rigoodhena ugu dhaliyey xulkiisa goolkii hogaanka ay ciyaarta ugu qabteen qaybtii hore ee ciyaarta.

Weeraryahanka Real Madrid wuxuu garaacay birta rigoodhihii labaad ee ciyaarta dhexdeeda loo dhigo qaybtii dambe ee ciyaarta.

Kadib markii, Arturs Zjuzins uu goolkii barbar dhaca u dhaliyey xulka martida ahaa, 20 daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta, William Carvalho ayaa ku soo celiyey hogaanka xulka Portaqiiska, goolna madax ugu dhaliyey.

Ronaldo ayaa ku saddexeeyey kubbad uu ku qalibay shabaqa, ka hor intii aanu Bruno Alves gool dhalinta iyo guusha Portugal ku soo afmeerin goolkii afraad.