1:14 pm - Saturday June 24, 2017

Mexico Oo Daqiiqadihii Ugu Dambeeyey Niyad-jebisay Portugal Oo Wadata

Abdiwahab Ahmed

 

Xulka qaranka Mexico ayaa wakhti dambe dhaliyey gool ay ku niyad jabiyeen Ronaldo iyo saaxiibbadiisa xulka qaranka Portugal, ciyaarta koowaad ee Hormada A ee tartanka Consfederations Cup ee ka socda waddanka Ruushka.

Ciyaarta ayaa ku bilaabantay jewi degganaan ah oo awood badan uu soo bandhigay Portugal, kuwaas oo ay safkooda hore taagnaayeen Ricardo Quaresma iyo Cristiano Ronaldo, halka Mexico oo ay la dhalinta goolasha iyo culays saarista xiddigaha ka soo horjeeday usoo astaysay Javier Hernandez, Carlos Vela iyo Dos Santos.

Tartankan oo lagu adeegsanayo farsamada Fiidyowgu caawinayo garsooraha, ayaa waxa Portugal u dhaliyey gool difaacyahanka Pepe laakiin markii dib loo daawaday muuqaalka caawiya garsoorka waxa la ogaaday inuu khalad dhacay, sidaas daraadeedna waa laga diiday.

Goolka koowaad ayaa waxa Portugal ay heshay markii uu laacibka Ricardo Quaresma si fiican shabaqa u dhex dhigay daqiiqaddii 35aad, laakiin Javier Hernandez oo kubbad ka helay Carlos Vela ayaa Mexico u keenay goolka barbar dhaca daqiiqaddii 43aad, ka hor intii aan loo bixin wakhtiga nashada.

Markii la isugu soo noqday qaybta labaad, xulka Portugal ayaa soo bandhigay awood badan, inta badan ee ciyaartana daadihinayey, hase yeeshee way awoodi waayeen inay goolka labaad la yimaaddaan illaa laga gaadhayey daqiiqaddii 86aad, markaas oo difaacayahanka baasha midig ee Cedric Soares uu kubbad xoog ah ku hubsaday shabaqa Mexico, laakiin shan daqiiqo kaddib oo ku beegnayd daqiiqaddii 91aad, ayaa uu Hector Moreno madax qurux badan dhex-dhigay goolka Portugal, halkaas oo damaashaad iyo farxad ay kusoo dhoweeyeen saaxiibbadiisa garoonka ku sugnaa, halka ciyaaryahannada reer Portugal ay niyad-jab madaxa foorariyeen.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Guardiola Oo Dalabyo U Diray Dani Alves iyo Kyle Walker

Pakistan Oo Garaacday India, Kuna Guuleysatay Koobka Adduunka Ee Cricket-ka

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: