Prandelli: Italy Uma Ciyaari Doonaan Inay Barbareeyaan

Tababaraha xulka Italy, Prandelli ayaa sheegay in xulkiisu uu guul doonayo kulanka Salaasada ee ay isku haleeli doonaan Uruguay, si ay u xaqiijiyaan inay u gudbaan wareegga 16-ka ee group D.
Xulka Talyaaniga ayaa tigidhka u goosan doona wareegga labaad, haddii ay ka badbaadaan guul darro kulanka habeen dambe, laakiin tababaraha xulka Talyaaniga ayaa sheegay in hamigiisu yahay in wadankiisu saddexda dhibcoodba qaato kulankaas.
“waxaan u sheegay kooxdayda inay naftooda aaminaan ayna soo bixi doonaan. Waxa naga go’an in aanu badino, si aanu u helno natiijo fiicanna waa in aanu kulanka tagno iyadoo aanu guul filayno” ayuu yidhi Prandelli.
“Ma nihin wadan u taga garoomada inay barbar dhac galaan, mana doonayno in aanu aragno kooxda oo lagu dhibaataynayo garoonka, waa in aanu muujinno geesinnimo oo aanu u halganno natiijada wanaagsan. Waxa na sugaysa shaqo adag sababtoo ah waa shul ama shal” ayuu raaciyey.
Talyaanigu waxay leeyihiin 3 dhibcood, iyagoo 2-1 ku khaarajiyey Ingiriiska, laakiin kulankii labaad ayaa 1-0 lagu dubtay, iyadoo ay u maarewaayeen oo dhinac walba ay kaga yimaadeen ciyaartooyada laga yaaban yahay ee Costa Rica.
Xulka Costa Rica ayaa hoggaaminaya group-kan, waxaanu leeyahay 6 dhibcood, waanu baxay, halka Ingiriisku uu tartanka sidaa kaga hadhay, waxase la sugayaa Italy iyo Uruguay ka diyaaradda raaci doona.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Spain Oo Guul Aan Waxba Ugu Filayn Ku Macasalaamaysay Koobka Aduunka

Tababare Ciyaartooyadiisa Ugu Baaqay Inay Wadankooda Khiyaameeyaan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com