2:59 am - Sunday June 25, 2017

Prandelli: Waan xushay badi xidigihii aan la tagi lahaa koobka Adduunka

Aidarous

Tababaraha xulka qaranka Talyaaniga ee Cesare Prandelli ayaa xaqiijiyey inuu haysto liiska 18 ciyaaryahan oo uu la shir tagi doona ciyaaraha koobka aduunka ee Brazil ka dhacaya sanadkan, waxaanu diiday inuu sheego in Totti kamid yahay raga uu la tagayo Brazi.

Prandelli ayaa 42 ciyaaryahan oo aan shaki ku jirin ka dhex xulanaya kooxda noqon doonta xulka qaranka Talyaaniga u matalaysa Koobka aduunka oo tiradoodu 23 tahay.

Tababare Prandelli ayaa ku nuux nuuxsaday in shaqsigii isbedel keenay ciyaaraha horyaalka Talyaaniga oo kaliya laga filan karo inuu hal abuur ka noqdo koobka aduunkana.

“23-ka ciyaaryahan ee aan Brazil la tagayo? Xataa aniga laftaydu ma ogi kuwa ay noqon doonaan,” ayuu Prandelli ku yidhi suxufiyiinta.

“Waxaan maskaxda ku hayaa 18 ciyaaryahan. Si aan u dhamaystiro kooxda,Waa inaan marka hore fahmaa sida ay 18 kani u hawl galli karaan kadibna inta kale ku soo daraa.”

Halyeyada Totti iyo Luca Toni oo wacdaro ka dhigay sanadkan Horyaalka Talyaaniga ee Seria A ayaan hellin dhawaaqa yeedhmada ah ee tababare Prandelli.

Jawaab koobana ku dhaafay mar wax laga weydiiyey labadan ciyaaryahan, ee doorka muhiimka ah ka qaatay xulkii qaranka Talyaaniga ee hantiyey koobkii adduunka sanadkii 2006.

“Markaan ka hadlo Totti waxaan u haynaa ixtiraamka ugu weyn, sidaas darteed faah-faahin kale ka bixin maayo,”ayuu yidhi.

“Aad baan u aqaanaa Luca, Qaab ciyaareedkiisa sanadkanina wuxuu ahaa mid aan la qiyaasi Karin oo cajiib ah, laakiin waxa laga yabaa inay ku fiican tahay in arintiisa aan iska aragno raga ila jooga xerada Coverciano.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Ciyaaryahan Hoobiye / Madfac Lagu Dillay

Arsenal 3 – 1 West Ham : Gunners Oo Si Kumeel Gaadh Ah Kaalinta 4 aad U Fadhiisatay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: