3:16 pm - Sunday January 20, 4965

Premier League Iyo Maanta: Chelsea Oo Dhaafi Weyday Leicester, West Brom Oo Dhadhamisay Guul Ay Mudo U Heelanayd

162 Viewed Aidarous 0 respond

Chelsea ayaa ku kuftay oo dhaafi kari weyday kooxda Leicester City oo marti ugu ahayd geggida Stamford Bridge, maalin qaybta dhexe ee kooxaha liiska kala saraynta ku jiraa ay noqotay waax mucjiso ah oo la isku dhegan yahay.

Kooxda tabobare Antonio Conte ayaa kor ugu ruqaansatay kaalinta ka saraysa Manchester United labaadna cidhiidhsatay laakiin ahayd koox ay ka kala daadsan tahay kulanka ay la ciyaartay kooxda Dacawooyinka lagu naanayso, kuwaas oo lumiyey fursado aad u badan oo dhamaantood goolal noqon karay, wallow ay ciyaarta 10 laacib ku dhamaysteen kadib markii Ben Chilwell uu garoonka kaga baxay kaadhkii labaad oo huruud ama digniin ah.

Dhinaca kale, kulamada xiisaha yeeshay ayaa noqday kuwa ay ku hirdamayaan kooxaha kaalmaha hoose badhtankiisa ku jira oo ay sideed dhibcood u dhexeeyaan 10 ka naadi ee horyaalka ugu hooseeya.

West Brom waxay gaadhay laba guulood labadii ciyaarood ee furitaanka horyaalka, laakiin kaalinta labaatanaad ayay ka soo kici weyday wixii ka dambeeyey intaas, waxayse guushii u horeysay xiliyadan dambe Sabtida ka gaadhay kooxda Brighton.

Todobaad kadib bilowgii horyaalka markii naadiga tabobare Alan Pardew ay heleen guushoodii u horeysay oo ay 2-0 guul ah ka gaadheen FA cup ka, farxad kale ayay markale u soo hooyeen macalinka 56 jirka ah, waxaanay kooxdiisu 2-0 guul ah kula huleeleen saddexdii dhibcood, waxaanay u soo guureen kaalinta 18 aad ee kala saraynta.

Waxay u muuqatay in kooxda ay hoos wada fadhiyaan ee Swansea ku sii negaan doonto dhibco la siman kuwa ay haysato kooxda West Brom markii Jordan Ayew uu hogaanka u gacan galiyey kooxda reer Wales, kulankii Newcastle laakiin waxaa lagala soo noqday goolkii barbar dhaca markii Joselu uu darbad ka dhex dusiyey lugaha Alfie Mawson ciyaartuna ay ku dhamaatay 1-1 barbaro ah.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Watch: Real Madrid vs Villarreal 0-1 – All Goals & Highlights

10 Ciyaaryahan Oo Leicester Ah Oo Fashiliyey Chelsea Iyo Khadkii Tabobare Conte

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com