PSG oo diiday in ay ka hadho doonisteeda Hazard iyo Man United & Chelsea Oo Isku Haysta Varane

Atletico Madrid's Mandzukic kicks to score past Real Madrid's Varane and Ramos during their Spanish Super Cup second leg soccer match in MadridKooxda kubadda cagta Fransiiska ah ee Paris Saint-Germain ayaa wali rajo ka qabta in ay garoonkeeda keento weeraryahanka u dhashay wadanka Belgium ee Eden Hazard oo ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan Chelsea.

Sida ay saaka qoreen warbaahinta England, Paris Saint-Germain oo ogsoon in uu Hazard heshiis wakhti dheer ah kula jiro Chelsea, dhowaana heshiis cusub u saxeexay kooxdiisa, ayaa waxa ay haddana dooneysaa in ay Chelsea ku khasabto in ay ka iibiyo laacibkeeda.

Difaacyahanka Paris Saint-Germain Thiago Silva ayaa amaan ballaadhan u jeediyey xiddigan soo baxaya.

Dhinaca kale, kooxaha Chelsea iyo Manchester ayaa tartan xooggan ugu jira difaacyahanka Real Madrid ee Raphael Varane, kaas oo la sheegay in aanu ku faraxsanayn fursadda uu ka helo kooxdiisa.

Sida ay warbaahintu Ingiriisku sheegayso difaacyahankan ayaa door bidaya in uu ku biro koox uu ka helayo boos joogto ah, iyadoo ay labadan kooxoodna doonayaan in ay ka bixiyaan lacag lagu qiyaasay £25 million.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Taageereyaasha Manchester Oo Ciyaartii Xalay aan mar kaliya afka ka dhigin magaca Ronaldo

Mourinho Oo Ka Deyriyey Xaaladda Ee Fabregas Oo Laga Yaabo In Uu Caawa Maqnaado

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com