PSG Oo La Xaqiijiyey In Shan Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Ay Ka Maqnaan Doonaan Kulanka Liverpool Ee Tartanka Champions League

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa u safri doonta waddanka Ingiriiska oo Salaasada ay kula ciyaari doonto Liverpool, kulanka ugu horreeya ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedka 2018-19.

PSG ayaa waxa kulankan ka maqnaan doona raxan ka mid ah ciyaartooyadeeda safka koowaad oo dhaawacyo iyo ganaaxyo ay dibedda ka dhigi doonaan garoonka, kuwaas oo sidoo kale nefis siin doona Liverpool oo doonaysa inay ku celiso bandhiggii wanaagsanaa ee xili ciyaareedkii hore u saamaxay inay tagto finalka tartankan oo ay Real Madriid ciyaartii finalka kaga qaadday.

Sida uu qoray wargeyska Le Parisien, PSG ayaa waxa uu dhaawac culus ka soo gaaadhay difaaca bidix ee Layvin Kurzawa, kaas oo maqnaan doona inta ka hadhsan sannadkan 2018, waxaana ay taasi dhibaato ku tahay tababare Tuchel oo beddelkiisa la dhibaatoon doona.

Ciyaartoyga dhowanta ay kasoo qaateen Bayern Munich ee Juan Bernat iyo Angel di Maria oo labaduba dabiiciyan aan ahayn difaac, ayaa uu tababaruhu u kala dooran doonaa, taasina waxay fursad siin doontaa xiddigaha Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo dhinacyada ka ciyaari doona.

Dhaawaca Kurzawa waxa uu sii kordhiyey tirada ciyaartooyada ka maqnaan doona PSG kulan ciyaareedkan oo wararku ay sheegayaan in halyeyga khadka dhexe ee Marco Verratti iyo Dani Alves oo difaaca midig ah ay iyaguna dhaawacan yihiin, fursadna aanay u heli doonin ciyaartan.

Marka laga yimaaddo saddexdan ciyaarrtoy, waxa PSG ganaax kaga maqnaan doona kulanka Liverpool goolhaye Gigi Buffon oo ganaax ku mutaystay faallo uu ka bixiyey garsoorihii dhexdhexaadiyey ciyaartii Real Madrid iyo Juventus ee semi-finalka xili ciyaareedkii hore. Waxa kale oo isaguna ganaax ku maqnaan doona laacibka khadka dhexe ee Adrien Rabiot.

Inkasta oo PSG ay u caafimaad qabaan saddexda weeraryahan ee halista ah ee Neymar-Mbappe-Cavani, haddana dhaawacyadani waxay dhibaato ku yihiin qaab ciyaareedkii kooxda koowaad ee sida fiican iskula qabsaday, waxaasr suurtogal ah in muddada ka hadhay ciyaartaas ay dib usoo laabtaan Verratti ama Alves.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.