6:52 pm - Monday August 21, 2017

PSG Oo Soo Saartay War Aan Farax Galinayn Chelsea

Aidarous

PSG Oo Ku Thiago SilvaKooxda Faransiiska ah ee Paris Saint Germen ayaa daboolka ka qaaday in dhaawacii soo gaadhay ciyaaryahankooda difaaca ee Thiago Silva, aanu ahayn sidii la filayay mid culus.

PSG ayaa sheegtay in mushkiladii Silva looga Saaray garoonka Stade du Moustoir , qaybtii hore ee kulankii Lorient maalinimadii Jimcihii , baadhis la mariyey kadib uu noqday Murkacasho ee aanu noqon jabniin lafta soo gaadhay.

Kooxda hogaaminaysa horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, ayaa ka cabsi qabtay in xidigooda difaaca ahi , uu ka maqnaan doono dhaawac mudo qaata , cabsida ugu weyna waxay ka qabeen inuu ka maqnaado kulamada Champion-ka ee ay la ciyaarayaan kooxda Chelsea.

“Baadhitaankii la mariyey Thiago Silva oo la filayay inuu mudo qaato, wuxuu noqday murkacasho lafta lugta ah.” ayay kooxdu ku tidhi qoraal ay soo saartay.

“Xaaladiisu uma baahna qaliin, soo kabashadiisuna waxay ku xidhnaan doontaa , hadba inta dambaqashada lugtu deynayso, maalmaha soo socda.”

PSG Ayaa ku marti gallin doonta kooxda Chelsea garoonkooda Parc des Princes bisha April 2 deeda, ka hor inta aanay u safrin Stamford Bridge lugta labaad, lix maalmood ka dib.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Liverpool Oo Dardartii Kordhisay Cardiff-na Ku Jiidhay 6 Gool

Mourinho Oo Sheegay Inay Sadaqo Bixin Doonaan Haddii Ay Ka Badiyaan PSG

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: