7:27 pm - Friday August 18, 2017

Puyol Oo Ka Oohiyey Johan Cruyff, Laporta, Louis van Gaal, Kluivert, Albertini, Enrique, Guardiola, Eric Abidal Iyo Tata

Aidarous

Ma aha wax sahlan in ay indhahooda ilmo ka timaado xiddigo magacyo waaweyn ku lahaa adduunyada, kuwaas oo ay ku jiraan Johan Cruyff, Joan Laporta, Jose Luis Nunez, Louis van Gaal, Patrick Kluivert, Demetrio Albertini, Luis Enrique, Pep Guardiola, Eric Abidal, Gerardo Martino iyo  Angel Mur. Laakiin 15 sannadood oo uu ka mid ahaa hormoodka iyo laf-dhabarta ay kooxdu ku tiirsan tahay ayaa dhamaatay, waxaana furmaya waji cusub iyo nolol horleh oo aan ahayn tii uu ku dhex noolaa ciyaartooyda, waxaanu jeediyey khudbad qiiro leh, taas ayaana keentay in ay ooyaan dadkaas magaca lihi. Dhinaca kooxda, waxa ka baxaya kabtankoodii iyo halgamaagii ku hoggaamiyey inay hantiyaan koobab, isla markaana hormoodka u noqday, waayo-aragnimadana u raaciyey jiilka taariikhda cusub u sameeyey Barca ee 2005-2014.

puyol tagistiisii36 jirkan reer Spain ayaa madal ay ka soo qayb galeen dhamaan ciyaartooyada Barcelona ku qabtay shir jaraa’id Khamiistii, waxaanu ku shaaciyey inuu soo gabo-gabaynayo 15 sannadood oo uu joogay Camp Nou Stadium, laakiin wali ma uu shaacinin halka uu ku socda iyo tallaabada xigta ee uu qaadayo marka uu ka dhaqaajiyo kooxda.

“Hadda waxaan ku hawlanahay inaan dhaawaca ka soo kabto. Sannadkan waxaan ciyaaray kulamo tiro yar, xannuun ayaan dareemay waxaanan awoodi waayey inaan kooxdayda caawiyo markii ay ii baahnaayeen, markaa way adag tahay inaan meel kale ka ciyaaro.

“Waxaan isku deyi doonaa inaan dhaawaca Jilibka ka bogsado, ma aha inaan ciyaarayo laakiin inaan caafimaad ku noolaado, aan ordi karo, waayo hadda intaaba ma samayn karayo.

Intaa markii uu Puyol yidhi ayay qiiro la foorsadeen ciyaartooyada Barcelona, waxaanay iska waayeen mid mid la hadla, waxa si gaar ah ay kamaraduhu u qabteen Neymar oo ciddiyihiisa cunaya, Messi oo dhinacna eegi la’ iyo Xavi oo sankiisa faraha ka saari waayey.

Puyol waxa uu khudbadiisa gebogebada xilligiisa Barca ku sheegay in aanu u raaci doonin kulanka Atletico Madrid ee Sabtida, laakiin uu u rajaynayo guul. “Ma ciyaarayo Sabtida. Waan la hadlay tababareyaasha, waxaynu dagaalamaynaa koobka, anigu ma caafimaad qabo, xataa kursiga kaydka ma fadhiisan doono. Sidii aan horeba u sheegay bilo ka hor, dhaawacii Jilibku wali ma bogsan.

“Wax walba waan sameeyey, laakiin heerkaygii ciyaartoy ee Barca waxa uu dhamaanayaa 30-ka June”.  Ayuu yidhi.

Madasha uu shirka jaraa’id ku qabtay Puyol waxa ka soo qayb galay ciyaartooyadii hore ee Barca, madaxweynihii hore iyo qaar ka mid ah tababareyaashii soo maray Barca. Johan Cruyff, Joan Laporta, Jose Luis Nunez, Louis van Gaal, Patrick Kluivert, Demetrio Albertini, Luis Enrique, Pep Guardiola, Eric Abidal, Gerardo Martino iyo  Angel Mur ayaa dhamaantood joogay madasha.

Puyol ayaa waxa uu Barca kula guulaystay: 6 La Liga, 2 Copa Del Rey, 2 Champions League iyo 2 Club World Cup, waxaanay taasi ka dhigaysaa mid ka mid ah ciyaartooyada ugu guulaha badan ee soo maray kooxdaas.

Ninka ka beddelay kabtanka oo ah khabiirka khadka dhexe ee Xabi ayaa mahadnaq ku sagootiyey Puyol waxaanu sheegay inay uga mahadnaqayaan wax walba oo uu u qabtay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ribery Oo Si Ba’an U Dhalleeceeyey Siyaasadda Guardiola

Cabsida Haysa Juventus: Ferguson Oo Conte U Sii Wada Manchester United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: